Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dhoofey Baydhabo.

In ka badan 30 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa saaka ka ambabaxay Magaalada Baydhabo si ay uga qeyb galaan shirka Jabuuti halkaasoo lagu wado in lagu soo dhiso dowlad Midnimo qaran oo markii ugu horeysay Mucaaradku ay ka dhex muuqdaan.

Labo diyaaradood ayaa saaka waabarigii hore ka qaaday xildhibaanada Baarlamaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo,waxaana Magaalada Baydhabo ku haray 7 xildhibaan oo la sheegay in ay u joogaan sidii ammaanka ayb isagu duba ridi lahaayeen.

Magaalada Baydhabo ayaa sadex maalmood ee ugu dambeysay waxaa ka ambabaxay inta badan xildhibaanada Baarlamaanka kuwaas oo hada kusugan Magaalada Jabuuti halkaasoo la doonayo in lagu soo dhiso dowlad midnimo qaran.

Tagitaanka mudanayaasha Baarlamaanka soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa xili Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ay ka soconayaan dadaalada dib u heshiisiinta soomaaliya oo la doonayo in lagu soo unko dowlad Midnimo qaran oo markii ugu horeysay ay ku mideysanyihiin xukuumada KMG ah iyo Mucaaradkeeda inkastoo ay jiraan qaar ka mid ah xoogaga Mucaaradka oo ka biyadiisan heshiiska, wallow ay dowladda KMG ahi dhowr mar ka codsatay dhinacyada heshiiska ka maqan inay ku soo biiraan miiska wadaxaajoodka si dhibaatada looga saaro ummada soomaalida kadib markii dalku uu soo maray ku dhawaad 20 sano oo guluf colaadeed oo hadba dhan u socda.

Si kastaba ha ahaatee xaalada Magaalada Baydhabo ayaan la ogayn sida ay noqon doonto maadama Ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku haray ay isku diyaarinayaan inay baxaan waxaana wararku sheegayaa in saaka halkaasi ay ka soconayaan kulamo saraakiisha gobolka ay la leeyihiin Ciidamada Itoobiyaanka iyadoo wax laga wada hadlayo ay u badan tahay xaalada ammaan ee xarunta Baarlamaanka Somalia ee Magaalada Baydhabo.

Add New Comment