Is mari waa' ka taagan qaybsiga xubnaha Isbahesiga uga mid noqonaya Barlamaanka

sharifeynB.jpgIs mari waa' ayaa lagu soo warramayaa inuu weli ka taagan yahay qeybsiga qaar ka  mid ah xubnaha cusub ee baarlamaanka uga soo biiraya dhinaca Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta garabka Jabuuti oo iyagu heshiiska la galay DKMG, Is qabqabsigan ayaa yimid kaddib markii uu Isbaheysigu go'aansaday in qaabka 4.5 lagu qaybsado xubnaha barlamaanka uga mid noqonaya.

Waxa kale oo lagu soo warramayaa in muranka ugu weyn uu u dhexeeyo beelaha Hawiye iyo Daarood kuwooda ugu tunka weyn, ayadoona isla markaa si hoose laysula dhaadhacay jufooyin iyo reer reer, layskana garab maray in wax lagu qiimeeyo ka qayb qaadashadii halganka, taasoo keeni karta in rag halgameyaal ahaa ay wax ku waayaan.

Isbaheysiga ayaa looga fadhiyaa inay soo gudbiyaan liiska xubnahooda baarlamaanke uga mid noqonaya oo ay tiradoodu gaareyso 200 xubnood halkak 75-ta kalena saami ahaan loogu tala galay qeybaha Bulshada Rayidka iyo mucaaradka intiisa kale ee aan ka qaybqaadan wadahadalladii Jabuuti, ayadoo Isbaheysiga garabka Asmara ay meesha ka maqan yihiin, qaybaha kale ee muqaawamaduna warkoodaba daa.

Waxa weli socda wufuud fara badan oo soo gaaraya magaalada Jabuuti kuwaasoo isugu jira Beesha Caalamka, xildhibaanada barlamaanka, aqoonyahanno iyo waxgarad Soomaaliyeed iyo weriyeyaal ka kala imanaya dunida oo dhan.

Waxa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda uu Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta  Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqo inuu isu soo taagi doono ka qaybgalkiisa doorashada madaxweyynaha ee ka dhici doonta magaalada Jabuuti.



Add New Comment