Waxa magaalada Jabuuti si aan kala go' lahayn usoo gaaraya wufuud

Waxa magaalada Jabuuti si aan kala go' lahayn usoo gaaraya wufuud ka socda Beesha Caalamka, xubnaha Ururka Dib-u-Xoreynta garabka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaannada Barlamaanka DKMG.

Ayadoo uu shalay halkaasi gaaray wakiilka Qaramada Midoobay iyo diplomaxiyiin ka kala socday Ururada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa, ayaa waxa kale oo la filayaa inay halkaas soo gaaraan maanta sii-haayaha xilka Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana ah guddoomiyaha barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra'iisal wasaaraha DKMG mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxaa sidoo kale lasoo daadgureynayaa xildhibaannadii barlamaan ee ku sugnaa Baydhabo iyo xubnaha Isbaheysiga ee Muqdisho joogay.

Waxa socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo dedejiyo soo gudbinta xubnaha uu Isbaheysigu ku yeelan doono barlamaan loo dhan yahay oo ay Soomaaliya yeelato, kaddibna u gudba soo doorashada qofka qaban doona xilka KempinskiB.jpgmadaxweynenimo ee uu dhowaantan banneeyey Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Warar kale oo aan ka helnay Soomaaliyana waxay sheegayaan in Isbaheysigu uu dadaal xoogggan ugu jiro sidii xoogagga Muqaawamada ee aan ayagu ka qaybgelin heshiiskii Jabuuti loogu qancin lahaa inay ku soo biiraan shirka ka soconaya Jabuuti ee la doonayo in lagu soo afjaro colaadda daba dheeraatay ee Soomaaliya.

Sidoo kale ayey dadku is weydiinayaan waxa ka soo bixi kara haddii qaar ka mid ah ay la midoobaan Dowladda KMG ayadoo qaarna ay weli hubka heystaan diiddan yihiinna in wax lala wadaago kuwii Soomaaliya u horseeday inay  Ethiopia qabsato dalkii hooyo, heysatayna 2 sanadood, balse wax kasta waa la ogaan doonaa maalmaha innagu soo aaddan Insha'Allaah.


Add New Comment