Aaska Macalim Cumar Anyeelo oo jimcaha ka dhici doona magaalada Liecester

nbl.jpgMarxuum Macalim Cumar Maxamed Cumar (Cumar Anyeelo) ayaa maalinimada Jimcaha ee bisha Janaayana ay tahay 23-ka ayaa haddii Allaha awoodda leh idmo lagu aasi doonaa magaalada Liecester UK.

Marxuum Macalim Cumar ayaa 25-kii bishii Disember  ee sanadkii tagay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Liecester iyo London xilli uu marxuum Cumar kusii jeeday magaalada London si uu soo qaato carruurtiisa oo waqtigaa London fasax ku qaadanayey.

Marxuum Cumar Anyeello wuxuu hore uga mid ahaan jiray cayaartooydii safka hore ee cayaaraha heerka koowaad ee kubadda koleyga Soomaaliyeed, wuxuuna u ciyaari jiray kooxdii kubadda koleyga ee Naadigii Sancada, wuxuuna
ugu dambeyntii ka mid noqday Xulkii Qaranka ee kubadda koleyga.

Macalim Cumar Anyeelo Allaah ha u naxariistee, intii uusan dhiman ka hor ayuu u xuub siibtay inuu noqdo tababaraha Xulka Qaranka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed, taasoo uu dadaal weyn ka muujiyey tababaridda dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool, taasoo ilaa maantadan ay ku ammaanaan bahda Sportiga Soomaaliyeed, weligiina lagu xusuusan doonaa.

Macalim Cumar Maxamed Cumar (Cumar Anyeelo) wuxuu qabay gabar u dhalatay waddanka Netherlands oo ay is guursadeen ayaga aad u dhallinyar, kaddibna akhlaaq wanaagga macalimka iyo ku dheganaashihii uu ku dhegganaa diinta Islaamka darteed u soo gashay diinta Islaamka, kaddibna la baxday magaca Deeqa Maxamed oo Allaah dartiisna u xiratay xijaabka astaanta u ah gabdhaha mu'minaadka ah.

Marxuum Macalim Cumar Anyeelo iyo xaaskiisa Deeqa wuxuu Allaah kala siiyey 5 carruur ah, 3 wiil iyo 2 cxiirane.jpggabdhood, kuwaasoo dhimashadii aabahood kaddib go'aansaday inaysan ka dhex bixin jaaliyaddii Soomaaliyeed ee Liecester ee uu aabahood ka ahaan jiray shaqsi ay shacbiyaddiisu aad u sarreysay, lagana wada jeclaa.

Haddaba dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Ingiriiska guud ahaan, gaar ahaan magaalooyinka London iyo Liecester iyo bahda Sportigaba lagu wargelinayaa inay kasoo qayb galaan aaska marxuum Cumar Anyeelo oo shaqsi heer qaran ah ahaa.

Waxaanna ugu dambeyntii Allaah uga baryeynaa inuu Macalim Cumar Maxamed Cumar (Anyeelo) ka waraabiyo jannaduu Fardoowsa, xaaskiisii, carruurtiisi, eheladiisiiba, bahda Sportiga  iyo ummadda Soomaaliyeed  uu sabar iyo iimaan ka siiyo. (AAMIIN)


Add New Comment