Wakiilka Xoghayaha guud ee QM uu qaabilsan Soomaaliya oo soo gaaray Jabuuti

UN calaamad.jpgWaxa maanta magaalada Jabuuti ka degay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Ahmed Ould Abdallah, ayadoo magaalada Jabuuti ay ka socdaan dadaallo lagu badbaadinayo heshiiskii ay kol hore halkaa ku kala saxiixdeen dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta garabka uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wafdiga Ould Cabdalla ayaa  maalmihii la soo dhaafay laga sugayay Dalka Jabuuti si ay u sii ambaqaadaan wada hadaladii ku saabsan dhismaha Dowlad midnimo qaran oo Soomaaliya ay yeelato.

Mr Ahmed Ould Abdallah ayaa socdaalkiisa waxa ku wehliya diblomaasiyiin ka kala socda Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta oo ayagu ka qayb qaadan doona dhammeystirka wadahadallada iyo dhisidda dowlad wadaag ah oo ay ku wada jiraan DKMG iyo Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta iyo weliba doorashada madaxweynaha oo dhowaan lagu wado inay halkaas ka dhacdo.

Waxa socda dadaal lagu doonayo in xubnaha barlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo lagu qanciyo in ay yimaadaan Jabuuti oo ay doorashada Madaxweynaha  halkaasi uga dhacdo dhacdo magaalada Jabuuti.



Add New Comment