Col. Cabdullaahi Yusuf oo Magangalyo Siyaasadeed ka helay waddanka Yeman.

Madaxweynihii hore ee dowladda FKMG ah ee soomaaliya Col. Cabdullaahi Yusuf Axmed oo intuu uu iska casilay xilka madaxweynenimo ka gadaal ku sugnaa degaannada Puntland  ayaa lagu soo warramayaa inuu halkaas isaga dhoofay, tagayna magaala madaxda dalka Yemen ee Sanca shalay.

Tegetaanka Col. Cabdullaaha Yuusuf ee Sanca ayaa wuxuu yimid kaddib markii ay dawladda Yemen u oggolaatay inuu dalkeeda ku joogo mangalyo siyaasadeed, waxaana sida la sheegay  safarkiisa ku weheliya xubno ka tirsan qoyskiisa.

Warar kalena waxay sheegayaan in Col. Cabdullaahi Yusuf  uu go'aansaday inuu dalka Yemen u safro  kaddib markii uu sidaas kula taliyey madaxweynaha waddanka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo asagu ay saaxiibo dhow ahaayeen, kuna wada jireen Isbaheysigii Sanca ee loo abuuray in dowladda Eritrea lagu go'doomiyo.

Warkaan oo laga soo xigtay ay wax ka qoreen wakaaladaha wararka ee caalamku ayaan weli wax war ah laga heyn dhinaca madaxweynihii hore iyo dowladda Yemenba.



Add New Comment