Faransiiska oo Puntland ku wareejiyey burcadbadeed

1aaa1.jpeg

 

War uu saxaafadda siiyey Wasiirka Amniga dowladgoboleedka Puntlnad Cabdullaahi Saciid Samatar ayuu ku sheegay in ciidamad Badda ee waddanka Faransiiska ee hadda ku sugan xeebaha Soomaaliya ay galabta maamul goboleedka Puntland ku soo wareejiyeen 8 burcad-badeed ah oo ay kusoo qabteen ayaga oo faraha kula jira falal denbiyeed lagu weerari lahaa markab aan la sheegin dalka laga leeyahay.

 

Burcadbadeeddan oo gacanta u gashay Ciidamada Badda ee wadanka faransiiska laba maalmood ka hor ayaa laga soo dejiyey dekedda Boosaaso, kaddib markii Faransiisku ay xiriir lasoo sameeyeen Ismaamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntlnad.

 

Taliyaha ciidamadii faransiiska ee soo qabtay raggaasi burcabdeedka ah oo dekedda Boosaaso ugu warramayey saxaafada ayaa sheegay in raggaani ay soo qabteen xilli ay afduubanayeen markab kuwa ganacsiga ah, kaddib markii ay soo gaartay qaylo dhaan ka timid shaqaalaha markabkaasi.

 

Kooxaha burcadbadeeda ayaa hubkoodii ku daadiyey badda kaddib markii ay arkeen markabka dagaal ee faransiiska oo ku soo dhowaaday.

Add New Comment