Isbaheysiga Dib-u-xoreynta oo isu diyaarinaya sugidda ammaanka caasimadda

Ciidamo la sheegay inay taageersan yihiin Isbaheysiga Dib-u-xoreynta garabka Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaaEthiopian-soldier[1].jpg isu diyaarinaya la wareegidda goobaha ay ciidamada Ethiopianku ka baxayaan.

Ciidamadaas oo lasoo sheegay inay durba galeen saldhigyo boliisku uu lahaa oo iska bannaanaa, inkastoo weli uu jiro loollan aad u xooggan oo ka dhexeeya kooxaha muqaamada.

Saldhigyada ay ilaa iyo hadda gaareen ciidamada Isbaheysigu ayaa waxaa ka mid ah saldhiyada Huriwaa iyo Hawl-wadaag, halkaasoo ay durba fariisin ka dhigteen, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegeen in Xoogagaas u muuqdaan kuwo si qorsheysan goobtaas u yimid.

Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif ayaa tan iyo markii ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waday dhaq dhaqaaqyo iyo isku dubaridka dhanka Ciidamada si ay kula wareegaan meelaha ay faarujinayaan Ciidamada Ethiopia.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa ka dhawaajiyay inay sugi doonaan ammaanka meelaha ay ka baxaan Ciidamada Ethiopia oo la filayo in maalmaha soo socda bilaabaan.

Dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Isbaheysiga Dib u xoreynta ka wadaan Caasimada Muqdisho ayaa la tilmaamay inuu ka dambeeyay markii ay bilowdeen dhaq dhaqaaqyo ay ku baxayaan Ciidamada Ethiopia, kaasoo qeybtooda u horeysay maanta ka huleeleen Magaalada Muqdisho.

Kooxaha Islaamiyiinta ee mabda' ahaan is diidan ayaa u muuqda kuwo u tafaxeedanaya goobaha ay faarujinayaan Ciidamada Ethiopia, waxaana qorshaha Isbaheysiga uu yahay inay iyaga la wareegaan goobaha, halka kooxaha kale ee diidan Heshiiska Jabuuti ay iyana xusul duub ugu jiraan.

Add New Comment