Ethiopia oo billowday la bixidda ciidamadeeda

Ethiopia ayaa sheegtay inuu bilowday qorshaha ciidamadeeda ay uga baxayaan gudaha Soomaaliya,
kadib markii ay muddo labo sano ah ay dagaallo qaraarku qabsadeen gudaha Soomaaliya aadna loogu wiiqay awooddooda.

Afhayeen u hadlay Dowladda Ethiopia oo lagu magacaabo Berekat Simon ayaa sheegay inuu bilowday qorshahe lagaga saarayo ciidamada Ethiopia gudaha Soomaaliya, isaga oo intaa raaciyey in dhowr
maalmood gudahood ay ku dhameystirayaan dib ula soo noqoshada ciidamadooda ka jooga Soomaaliya.

Wararka Muqdisho ka imaanaya ayaa waxay sheegayaan in maantaba la dareemi karay inuu billowday dhaqdhaqaaq ku aaddan arrinta bixitaanka kaddib markii maanta la arkay ilaa iyo 30 gawaarida Uraalka
ah oo sida ciidamo oo kasii gudbayey magaalada Afgooye.

Add New Comment