Dagaal ka socda degmada Dharkeenleey

dagaal.jpgIska hor imaad mudo saacado ah socday ayaa maanta degmada Dherkeenleey ee magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada maamulka degmdaasi iyo ciidamo Jabhatu Islaamiya.

 

Dagaalkani oo biloowaday maanta kowdi iyo barkii duhurnimo, welina  soconaya ayaa geestay qaasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Dagaalka ayaa wuxuu saameeyey dhaqdhaqaaq gaadiidka, dadka iyo ganacsiga  xaafadaha degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir waxaana sidoo kale dhowr madfac ay ku soo dhacday guryo xaafadahaasi ku yaala, si rasmi ahna looma ogaan karo tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay.

 

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in iciidamada Jabhadda islaamiga ay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga galbeed ee degmada Dherkeenlay iyo Xaafadda Macmacaanka ee degmadaasi, weli lama haayo wax war ah oo kasoo baxay dhinaca ciidamada maamulka degmadaasi.


Waa dagaalkii ugu horeeyay ee ka dhaca degmada Dharkeenleey tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay ka bexeen magaalada Muqdisho.

 

Wixii warar ah ee kasoo kordha dagaalkaan dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa.



Add New Comment