Sheekh Shariif oo doonaya inuu xoogagga muqaawamada kala tashado sidii loo dhisi lahaa dowlad

shesharifB.jpg
Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay ujeedada safarka uu ku yimid Muqdisho.

Sheekh Shariif oo u warramayey wariyeyaal ayaa sheegay inay wada tashi la sameyn doonaan dhinacyada Muqaawamada, waxa kale oo uu Shariifku sheegay in sidoo kale culumaa'uddiinka, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ay ayaguna qayb ka yihiin wada tashiyada socda ee ku saabsan sidii Soomaaliya loogu dhisi lahaa dawlad midnimo qaran oo loo dhan yahay.

Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay  in dhowaan la rajeynayo in dowlad midnimo qaran la dhiso, isla markaana dhinacyadaas kala duwan ay kala tashadaan sidii nabad loogu soo celin Soomaaliya,  dadaallada la wadana loo xoojin lahaa, wuxuuna intaa raaciyey in la taageero nabadda iyo dhismaha dowlad loo dhan yahay. waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Waxaan dooneynaa in dadaalada nabada nagula garab galo oo aan cid kasta u bandhigno sida ay uga qeyb qaadan laheyd, Waxaan u mahad celineynaa intii dhiigooda ku daataday iyo dadkii ka qeyb qaatay Nabada iyo bixitaanka Ciidamada Ethiopia"ayuu yiri Sheekh Shariif oo ku baaqay in la walaaloobo, isla markaana is ogolaadaan ninka fiican iyo kan xun oo mid kastana u qiro kan kale waxa uu yahay oo aan la is xaqirin.

Hadalka Shariifka ayaa ku soo aadaya xilli Magaalada Jabuuti ay ka socoto qaban qaabo ku aadan sidii Dowlad midnimo qaran loo dhisi lahaa, kaasoo ay ku mideysan yihiin dhinacyada Mucaaradka iyo Dowladda, iyadoona dadaaladaas ay beesha Caalamka wadaan.

Add New Comment