Amnesty International oo QM ugu baaqaday in ciidamadeeda ay noqdaan kuwa difaaca dadka rayidka ah marka ay Soomaaliya yimaadaan.

.

 

amnesty.jpgAmnesty International waxaa ay sheegtay in ay walwal ka qabto go’aan ka soo baxay golaha ammaanka ee QM kaasi oo aan lagu xusun difaaca dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed.

 

Amnesty International waxaa ay sheegtay in ay golaha ammaanka Ee QM ay ka rajeeyneeyso in waxa ugu horeeya ee ay ka doodeeyso ay noqdaan amaan galinta dadka rayidka ah.

 

Amnesty International  sidoo kale waxaa ay tilmaamtay shuruudaha looga baahan yahay ciidamada la keenayo dalka Soomaaliya in ciidamada aan wax gargaar ah loo fidin isla markana aan lagu fasaxin in howlo nabad ilaalin ah ay ka qabtaan dalka Soomaaliya hadii aan laga hor tageeyn in dhibaato ay Soomaaliya ka geeystaan.

 

Amnesty waxaa ay sheegtay in go’aanka ah in la tababaro ciidamada qaranka Soomaaliya ay walaac ka qabto taasi oo ay ku tilmaamtay in ciidamada sirdoonka iyo kuwa dowlada ay tacadiyo horay uga geysteen iyaga iyo maleeshiyaad dowlada taageersan kuwaasi oo ku tuntay xuquuqad insaanka oo ay QM ku taageereeysay.

 

Waxaa ay sheegay Amnesty International in ay jeceshay in la hubiyo nabada isla markana ciidamada la keenayo Soomaaliya aysan noqon kuwa dab ku sii shuba dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya,isla markana maxkamad la soo taago cid waliba oo ku tumata xuquuqada Bini’aadamka.

 

Ugu danbeeyntii waxaa ay baaq u jeediyeen dhinacyada ku dagaalama ama dadka ku lugta leh qilaafaadka ka taagan dalka Soomaaliya in ay xurmeeyaan xeerka iyo qawaaniinta Caalamiga ah ee xuquuqada Aadanaha iyo wax waliba oo keeni kara dhibaatooyinka in ay sii kordhaan.

Add New Comment