Sheekh Shariif oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif iyo wafdi la socday ayaa kasoo kicitimay waddanka Jabuuti halkaasoo beryihii ugu dambeeyey uu ka socday shir ay mar kale isku soo hor fadhiisteen xubno ka socday DKMG ee Soomaaliyaka iyo Isbaheysiga garabka uu hoggaamiyo Sheekhu.

sharif.jpgSafarka Sheekh Shariif uu ku yimid Muqdisho ayaa sida wararka lagu helay ku saabsan u diyaargarow ku aaddan sidii loo soo xuli lahaa xubnaha Isbaheysiga uga midka noqon doona barlamaanka iyo doorashada madaxweynaha.

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka kala tirsan DKMG Isbaheysiga, waxaana wafdiga Sheekh Shariif u soo gelbiyey dhanka magaalada ciidamada Maxkamadaha iyo kuwa AMISOM ee Midowga Afrika ka jooga magaalada Muqdisho.
.
Socdaalka Sheekh Shariif ayaa ah kii 3aad ee ku yimaado magaalada Muqdisho, kaddib markii ay heshiiska ku kala saxiixdeen DKMG iyo Isbaheysiga magaalada Jabuuti, ayadoo safarkan ugu dambeeyeyna uu yahay kii koowaad ee aysan magaalada ku sugneyn ciidamo Ethiopin ah.

Add New Comment