Golaha Ammaanka oo isku raacay go'aan ciidamo loogu soo dirayo Soomaaliya


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay go’aan dhabaaha loogu sii xaarayo in la abuuro ciidamo nabad ilaalineed oo loo diro dalka Soomaaliya, waxase dib loo dhigay 6 bilood oo lagu eegayo xaaladda dalka.


Waxa sidoo kale la cusbooneysiiyey waqtiga ay ciidamada Midowga Afrika AMISOM ay sii joogayaan Soomaaliya, kuwaasoo muddada ay sii joogayaan dalka Soomaaliya lagu kordhiyey 6 bilood, kaddibna lagu soo beddelo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.


zalmayB.jpgQaraarkan oo tirsigiisu yahay1863 ayaa waxa uu sidoo kale ku baaqayaa in la kordhiyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, kuwaas oo la gaarsiinayo tiradii markii hore loogu talagalay ee ahayd 8-da kun in loo soo diro Soomaaliya.


Madaxa ergada dawladda Mareykanka ee Qaramada Midoobay ambassador Zalmay Khalilzad ayaa sheegay in dalkiisu markii hore soo hordhigay Golaha Ammaanka ee QM in arrinta Soomaaliya go'aan laga gaaro, taasoo hadda lagu guuleystay.

 

Mr. Zalmay Khalilzad ayaa go'aankan laysla gaaray ku sheegay inuu yahay mid caddeynaya sida Qaramada Midoobay ay lug ugu yeelan karto arrimaha murugsan ee Soomaaliya, asagoona intaa raaciyey in dowladdiisu ay ka go'an tahay in la aasaaso ciidamo Qaramada Midoobay leedahay oo Soomaaliya la geeyo.

 

Maamulka cusub ee madaxweyne Barak Obama ay u muuqda inuusan niyad wanaagsan u hayn  ku lug lahaanshaha dalkiisa ee ciidamo Qaramada Midoobay ah oo loo diro dalka ay dagaalladu baabi'iyeen ee Soomaaliya.






Add New Comment