Isbaheysiga iyo DKMG oo uu falabta shir uga furmay Jabuuti

Waxaa galbata mar kale dib uga furmay magaalada  Jabuuti shir u dhexeeya wufuud ka kala socota DFKMG  iyo Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta garabka Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Wafdiga dowladda ee shirka ka qaybgalaya ayaa waxa hoggaaminaya ra'iisal wasaare Nuur halka wafdiga Isbaheysiguna uu horkacayo Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed..

Shirkaan oo sida la sheegay ujeeddada laga leeyahay ay tahay in lagu badbaadiyo heshiiskii kol hore lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka soo qayb galay oo kale wufuud ka kala socota Beesha Caalmka, ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Waliid Mussa.
 
Maalinta berrito ah ayaa la filaayaa in si rasmi ah loo gudagalo ajendaha shirka oo sida ay wararku sheegayaan ku saabsanaan doono sidii  loo dhammeystiri lahaa qodobbadii lagu heshiiyey.


Add New Comment