Meles Zenawi oo sheegay in ciidamadiisu heegan ku ahaan doonaan xuduudda Soomaaliya

zanawi.jpgRa'iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi oo maanta weriyeyaal kula hadlayey Caasimada Ethiopia ee Addis Abeba ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ay kasoo baxayaan dalka Soomaaliya ay tahay arrin  sharci ahaan sax ah, isagoona intaa raaciyey inay suurtagal tahay in ciidamadiisu  ay mar kale gudaha u galaan Soomaaliya.

Meles Zenawi ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay heegan buuxa ku geli doonaan xuduudda dheer ee ay Ethiopia la wadaagto waddanka Soomaaliya kana hortagi doonaan qatar kasta oo uga timaada dhinaca Soomaaliya.

"Ciidamadeennu waxay heegan buuxa ku gelin doonaan Xuduuda, meelna ugama soo dhaqaaqi doonaan xuduuda Soomaaliya iyo Ethiopia, waayo dalka aan deriska la nahay ee Soomaaliya waxaa joogta kooxo Argagixiso ah" sidaas waxa yiri Meles Zenawi.

Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa mar kale difaacay qaabka ay Ciidamada Ethiopia ku galeen gudaha dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in Ciidamadiisa ay ka hortageen qatar kaga imaneysay Soomaaliya , wuxuuna cadeeyay in xilligii ay Soomaaliya galayeen ay ku sugnaayeen rag ka tirsan Ururka Al Qaacida waa sida uu hadalka u dhigaye.

Meles Zenawi ayaa carrabka ku adkeeyey sida dalkiisu uu diyaarka ugu yahay inuu gacan siiyo dowlad kasta oo ka dhalata Soomaaliya, si loo dhowro derisnimo wanaagga, ayna suurtagal tahay inay mar kale gudaha u galaan Soomaaliya.

Hadalkan kasoo yeeray Zenawi ayey dadka siyaasadda u kuurgala ku micneeyeen inuu yahay hadal diploomaasiyadeed oo uu ra'iisal wasaaruhu ku qarinayo sida uu dalkiisu ugu guuldarreystay qorshihii uu ka lahaa Soomaaliya.
.

Add New Comment