Nuur Cadde oo ka mid noqday murashixiinta xilka Madaxweynenimo u taagan

nuurcaddeB.jpgRa'iisul wasaaraha dowladda KMG mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegay inuu  isu soo taagayo doorashada xilka  Madaxweynenimo ee Soomaaliya.
 
Mudane Nuur Xasan Xuseen ayaa warkaan sheegay mar uu maanta ka dhoofayey gegida dayuuradaha  caalamiga ah ee magaalada Muqdisho (Adan Adde International Airport), asagoo ku sii jeeday waddanka Jabuuti oo uu uga sii gudbi doono dalka Kuwait oo uga qaybgeli doono shir halkaas ka dhici doona.

 

Ra'iisal wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in isa soo rashaxiddiisu ay timid kaddib  markii uu dhegeystay talooyin fara badan oo ay u soo jeediyeen xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, mas'uuliyiin sare oo ka tirsan barlamaanka KMG iyo weliba rabitaanka uu shacabka Soomaaliyeed u qabo inuu halkooda kasii wado dadaallada nabadeed ee uu horseedka ka ahaa,

 

Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ayaa ku baaqay in laga waantoobo inuu dhaco dagaal, taas beddelkaeedana la qaato nabadda mar haddii ay dalka ka baxayaan ciidamada Ethiopia, kaddib markii ay joogeen muddo 2 sano ah.

 

Xilka Madaxwenenimada ayaa waxa hore isugu soo taagay dhowr mas'uul oo ka tirsan barlamaanka KMG, waxaana la diyaariyey guddigii qabanqaabada doorashada Madaxweynaha oo isla barlamaanka dhexdiisa laga soo xulay.



Add New Comment