Maxkamadaha islaamiga oo maanta la wareegay inta badan magaalada Muqdisho.

Maxkamadaha Islaamiga ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ku yaala gobolka Banaadir iyagoo horay gacanta ugu hayay saldhigyo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Goobaha ay la wargeen ciidamada Maxkamadaha ayaa waxaa ka mid ah deegaanada ku yaala woqooyiga magaalada Muqdisho halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowlada oo gaadiidka lacago sharci daro ah uga qaadayay isla markana cabsi galinayay dadka rayidka ah.

 

Goobaha ay tageen ciidamada maxkamadaha ayaa waxaa ka mid ah isgooska Sanca,Afarta jardiino,Fagax,Jubba iyo saldhiga degmada Yaaqshiid iyo weliba deegaano farabadan oo ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid,shibis iyo Boondheere ee gobolka Banaadir.

 

Afhayeenka dhanka howlgalada maxkamadaha islaamiga sheikh C/raxiin Ciise Cadoow oo la hadlayay idaacada shabelle ayaa sheegay in degmooyinkaasi ay u tageen dalab uga yimid dadka deegaanka isla markana ay sugayaan ammaanka degmooyinkaasi.

 

Mar wax laga weeydiiyay sida ay ugu suurto gashay in ay la wareegaan iyadoo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan maxkamadaha ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan ka dhicin halkaasi isla markana ay ciidamadii dowlada isaga tageen iyagana ay sugayaan ammaanka goobahaasi.

 

Maxkamadaha islaamiga ayaa waxaa ay ku baaqeen in aan laga aargudan dadkii la shaqeynayay ciidamadii Ethiopia isla markana la iska cafiyo hadii dhibaato la kala tabanayana ay iyagu u kala garqaadayaan.

 

Sidoo kale saldhiga galbeed ee degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir ayaa waxaa la tilmaamay In ay la wareegeen ciidamo ka tirsan xoogaga muqaawamada in kasatoo aysan jirin cid sheegatay in ay ka tirsan yihiin ragaasi kuwaasi oo meel fagaare ah kala hadlay dadka degmadaasi ku dhaqan.

 

Ciidamada maxkamadaha ayaa waxaa ay horay gacanta ugu hayeen illaa 4-saldhig oo ku yaala degmooyinka gobolka Banaadir waxana ay saldhigyadani la wareegeen maanta ku noqonayaan kuwii 6-aad.

 

Arintani ayaa waxaa ay ku soo aadeeysaa xili maalin un ay ciidamada Ethiopia ay isaga bexeen magaalada Muqdisho kadib labo sano oo ay dagaalo xoogan kula jireen xoogaga Muqaawamada oo dagaalo xoogan kula jiray ciimada Ethiopia iyagoo diidanaa joogitaanooda dalka Soomaaliya

Add New Comment