Wada hadallo u socda Garabyada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Asmara iyo Jibouti


i

Khamiis, January 15, 2009(HOL): Mas’uul sare oo u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Azak.jpgsmara ayaa shaaca ka qaaday in uu jiro dadaal ku saabsan in lagu heshiisiiyo garabyada Isbaheysiga Dib u xoreynta uu u kala baxay ee Jibouti iyo Asmara.

Mas’uulkan oo lagu magacaabo Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa isagoo ku sugan Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabka waxaa uu u sheegay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho in ay socdaan dadaallo ku saabsan sidii loo mideyn lahaa Isbaheysiga Dib u xoreynta, isla markaana uu afkaar mid ah u yeelan lahaa.

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo si kulul u weerari jiray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Jibouti ayaa hadalkiisan wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho ay xalay ka wada baxeen Magaalada Muqdisho.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo lagu dhisay Dalka Eritrea ayaa wuxuu ka kooban yahay Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah Maxkamadaha Islaamka, Xubno ka socda Bulshada Rayidka Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka socda Soomaalida Qurba-joogta ah, hayeeshee labo u qeybsamay kadib markii Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Shariif Xasan Shiikh Aadan ay ogolaadeen in ay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wixii xiligaas ka dambeeyay ay xubno Isbaheysiga ka tirsan oo Asmara ku haray ay sheegeen in ay bedeleen hoggaankii Isbaheysiga, ayna doorteen mid cusub.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hadalka uu sii daayay Sarakiye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa wuxuu yahay mid meesha ka saaraya in uu khilaafka labada dhinac sii socda iyadoo ay baxeen Ciidamada Itoobiya oo muddo labo sano ka badan ku sugnaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Add New Comment