Col. Cumar Xaashi oo ku baaqay inaan la weerarin ciidamada AMISOM

cumar-xaashi.jpgGuddiga Aminiga ee Isbeheysiga Dib-u-Xoreynta garabka Jabuuti ayaa xoogagga Muqaawamada ugu baaqay in wax dagaal ah lagu qaadin ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Guddomiyaha Guddiga Amniga Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta oo maanta shirajaraa’id ku qabata magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in aan la weerarin ciidamada AMISOM ee ka socda wadamada Uganda iyo Burundi kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin ciidamo nabadeed oo aan waxba u dhimeyn shacabka  sida uu hadalka u dhigay.

 

Madaxa Ammaanka Isbeheysiga Dib-u-Xoreynta ayaa sidoo kale tilmaamay in ay nasiib darro tahay in dagaal danbe uu ka dhaco caasimada Muqdisho marba hadii ay ciidamadii Ethiopia ka bexeen.

 

Hadalka Gudoomiyaha Gudiga Amniga ee Isbeheysiga Dib-u-Xoreynta ayaa yimid kaddib markii uu shalay shirjaraa'id qabtay Afhayeenka Ururuka Al-Shabaab, kuna sheegay in ay bartilmaameedsan doonaan fariisamada ay magaalada Muqdisho ku leeyihii ciidamada AMISOM.



Add New Comment