Odayaasha Hawiye oo sheegay inay gogol nabadeed dhigayaan

XaadB.jpgOdayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay in ay gogol nabadeed u dhigayaan xoogagga Muqaawamada ee halganka dheer u soo galay ka saaridda ciidamada Ethiopia ee dalka ku soo duulay, si loo helo nabad waarta kaddib markii ciidamada cadowgu ay isaga baxeen Muqdisho.

Gudoomiyaha golahaas nabaddoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay gogol nabadeed u dhigayaan xoogagga Muqaawamada si uusan loolan dhinaca awoodda ah ama dagaal u dhicin kadib bixitaanka ay ciidamada Ethiopia ka baxayaan dalka Soomaaliya.

 

Nabaddoon Xaad ayaa sidoo kale uu tilmaamay in ay gogosha nabadeed u dhigayaan dhamaan dhinacayada Muqaawamada, waxgaradka Soomaaliyed,Aqoonyahanada iyo cid waliba oo wax ka qaban karta dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.

 

Mar la weydiiyay Xaad in gogoshani ay qaab beeleed yeelan doonto iyo in kale,  ayaa wuxuu nabaddoonku sheegay in marka hore ay ku tala jiraan in qaab beeleed laysugu yimaado, marka xigana lagu soo biiriyo dhinacyada kale ee Soomaalida.

 

Hadalka Guddoomiye Xaad ayaa waxaa uu iku soo aaday xilli ay 2dii maalmood ee ugu dambeeye ay ciidamada ethiopia isaga baxeen guud ahaan fariisamadii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, kaddib markii ay muddo laba sano ah dhibaato ku hayeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.


.

Add New Comment