Dagaal iyo duqeyn maanta ka socotay qeybo ka mid ah Muqdisho

Dagaal culus ayaa ka bilowday ka gadaal markii xoogaga wax iska caabinta ay weerar ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan oo ka soo baxay garoonka kubadda Cagta ee Istaadiyo Muqdisho , kuna soo jeeday xarunta madaxtooyada, waxaana labada dhinac ay isweydaarsanayeen hubka culus oo daryankiisa si xoogan looga maqlayey gqarax itobiya teknik.jpguud ahaan magaalada Muqdisho  .
 Waxaa ciidamada Itoobiya ee fadhiya xarunta madaxtooyada ay duqeyn aad u xoogan  u geysanayeen qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley iyo dhinaca bari ee Suuqa Bakaaraha.Dhimashada inta la ogyahay waxay gaartay  Ilaa hadda 12 ruux halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi culus oo barqanimadii maanta ka bilowday agagaarka Isgoyska Florenza ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho,
Gabal dhacii caawa ayaa waxaa qaboobay dagaalkii  iyo duqeyntii barbar socotayba lamana oga maalinta beri ah sida uu xaalku noqon doono.

Add New Comment