Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay Fariisimadii ay ka baxeen Itoobiyaanka

 Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegatay in ay la wareegeen saaka Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, halkaasi oo ay ka baxeen ciidanka Itoobiya.
craxiin.jpg
Shiikh C/raxiin Ciise Caddow oo af afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka ayaa warbaahinta u sheegay in maanta wixii ka dambeeya uu Garoonka Kubadda Cagta Mqudisho Stadium uusan noqon doonin mid mileteri loo adeegsado , balse uu noqon doono sidii loogu talagalay markiisii hore in Kubadda Cagta ay ku ciyaaraan Dhalinyarada Soomaaliyeed .

Shiikha waxa uu carabka ku adkeeyey inta ay ku wareejinaayaan Dowlad soomaaliyeed in ay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ay wada joogi doonaan dhammaan Xoogagga Muqaawamada.

Waxa sidoo kale hadal ka jeediyey Garroonka kubadda cagta  Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo sheegay in uu ka tirsan yahay garabka M
Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in la raaci doono ku dhaqanka Sharindhacadde1.jpgeecada Islaamka, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay Allaah u towbad keenaan, isla markaana ay raacaan Kitaabkiisa iyo Sunna Rasuulka.

Dhanka kalena, Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Xeradii Guul-Wadayaasha ayaa maanta halkaas isaga baxay, waxaana fariisinkii ay ka baxeen si fudud ula wareegay Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka,markii ay fariisinkaas la wareegayeen waxaa la sheegay in  halkaasi is-rasaaseyn aan waxyeelo gaysan ay ku dhexmartay Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga ee aadka ugu dhaw .

Add New Comment