Dagaal Maxkamadaha iyo DKMG ku dhex maray Kaaraan

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta ka dhacay degmada Kaaraan, kaasoo welwel weyn ku abuuray dhammaan degmooyinka ku yaal waqooyiga Muqdisho oo ayagu inta badan ahaa goobo xasiloon oo aan waayahan looga baran inay dagaallo ka dhacaan.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa  inuu ku bilowday si kama' ah, kadib markii sida la sheegay xoogag ka tirsan Maxkamadaha oo watay gaadiidka dagaalka isku dayeen inay la wareegiaan saldhiga degmada Kaaraan, kaddibna ay isku dhaceen ciidamada dowladda ee hore ugu  sugan halkaas, taasoo sababtay  in labada  dhinac uu dhex maro dagaal xoog badan.
.
Qasaaraha uu dagaalkani geystay ayaa ayaa lagu sheegay inuu isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana ilaa iyo hadda la hubaa inay ku naf waayeen 7 ruux oo rayid ah, waxaase suurtagal ah in qasaaruhu intaa ka badan yahay.
.
Waxa kale oo lagu soo warramayaa in madfac habow ah oo ku soo dhacay dugsi Quraan oo ku yaal degmada Shibis uu isna dhaliyey qasaare aad u weyn oo isugu jira dhimashada 4 arday oo dugsiga wax ka baranayey iyo dhaawaca 10 kale.

Dagaalka ayaa haatan istaagay, iyadoona ay weli xiisad colaadeed  ka jirto degmada kaaraan, wuxuuna sdagaalkan saameyn  ku yeeshay ganacsigii iyo isu socodkii gaadiidka ee xaafada Kaaraan.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha labad dhinac ee Maxkamadaha iyo Dowladda KMG.

.

Add New Comment