Xoogaga Muqaawamada oo si wada jir ugu sugan meelihii ay ka baxeen Ethiopianka iyo Saraakiisha garabyada Maxkamadaha oo ka hadlay.


shababB.jpg Xoogaga Muqaawamada ayaa ku wada sugan meelihii ay ka baxeen Ethiopianka, iyadoona ay meesha ka baxday loolan iyo xafiiltin ay markii hore ugu jireen meelaha ay ka baxayaan Ciidamada Ethiopia oo labadii maalmood ay isku maandhaafsanaayeen.

Saraakiisha garabyada Maxkamadaha ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay ka bixitaankia Ciidamada Ethiopia ee fariisimaha ay ku lahaayeen Warshadii Baastada, Xeyla Bariise, Ceymiska iyo Carafaat, waxaana ay soo dhoweeyeen ka bixitaankaas.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo ah Xoghayaha Gaashaandhiga Isbaheysiga Dib u xoreynta Garabka Asmara ahna Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha garabka uu hogaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin bixitaankaas, isagoona sheegay in Mujaahidiinta ay ku wada sugan yihiin.

Wuxuu sheegay in uu dhamaanayo khilaafkii u dhaxeeyay Isbaheysiga, isla markaana ay Mujaahidiinta isu imaan doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Sheekh Xasan Mahdi oo isna ah xubin ka tirsan Garabka Asmara ayaa sheegay in goobaha ay ka baxeen Ethiopianka ay mar qura la wareegeen Mujaahidiinta, isla markaana ay haatan ku wada sugan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Dadweynaha Muqdisho ayaa ka feejignaa loolan Kooxaha kala duwan u galaan meelaha ay ka baxayaan Ethiopianka, iyadoo sida uu dhigayay Heshiiska Jabuuti goobaha ay ka baxayaan Ethiopianka la wareegayaan ammaankooda Xoogaga Isbaheysiga, waxaase haatan ay tahay mid ay u dhan yihiin xoogagaas.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha Labada Garab ay ka wada arinsadeen in aan lagu loolamin, isla markaana ay si wada jir ah ammaankooda u sugaan goobaha ay ka baxayaan Ethiopianka, waxaana saaka la arkayay xoogaga kala duwan ee Islaamiyiinta oo ku wada sugan goobihii ay baneeyeen Ciidamada Ethiopia.

Add New Comment