Ciidamada Ethiopia oo isaga baxay saldhigyo muhiim ah

troopswith.jpgCiidamada Ethiopia ayaa xalay isaga baxay fariisimo muhiim ah oo ay ku lahaayeen xaafadaha ku teedsan waddada Warshadaha, halkaasoo in ka badan sanad iyo bar ay fariisimo ku lahaayeen.

Goobaha ay ciidamada Ethiopia isaga baxeen ayaa waxaa ka mid ah warshadda Baastada, daarta Xeyla Bariise, Ceymiska, Carafaat iyo Towfiiq, halkaasoo ay fariisimo muhiim ah ku lahaayeen, kuwaasoo mar walba bartilmaameed u ahaa muqaawamada oo ayagu weerarro joogto ah ku hayn jiray.

Ciidamada Ethiopia ayaa xalay goobahaas isaga guuray iyagoo wixii qalab ah ee goobahaasi lasoo galeen oo dhan wata, waxayna u jiheysteen dhinaca koofureed ee magaalada, inkasta oo ay weli meelaha qaar ku sugan yihiin oo aanay ka bixin.

Xoogagga muqaawamada ay isla markii ay Ethiopianku baxeen soo buuxiyey fariisamadii ay banneeyeen, waxayna kula wareegeen si nabadgelyo ah, ayadoon wax dhibaato ah dhicin.

Dadweyne aad u fara badan oo farxadi ka muuqato ayaa bilaabay inay usoo daawasho tagaan xarumahaas ay Ethiopiaanku banneeyeen, ayadoo sidoo kalena dad badan oo ka mid ahaa kuwii ku barakacay dagaallada ay iyana kusoo noqonayaan guryahoodi oo ay soo eegayeen bal inay wax uun ka dambeeyaan.


Add New Comment