Ghana oo go'aansatay inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya

Madaxwenaha cusub ee dhowaantan ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas Mr. John Atta Mills ayaa Midowga Afrika (AU)  u  sheegay  in  dalkiisu  go'aansaday  inuu  ciidamo  nabad  ilaalineed  u  soo  dirayo  dalka  ay  dagallada  sokeeye  halakeeyeen  ee  Soomaaliya.
 
Ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) oo hadda ay Soomaaliya ka joogaan ciidamo ay tiradoodu gaareyso 3200 askari oo ka kala socda waddamada Ugandha iyo Burundi kuwaasoo u muuqda in aysan awood u lahayn inay buuxiyaan kaalinta ciidamada Ethiopianka ee lagu wado inay dhowaan waddanka isaga baxaan.

Guddoomiyaha Midowga Afrika (AU) Mr. Jean Ping oo dhowaan ka qayb galay xaflad lagu dhaarinayey madaxweynaha cusub ee Ghana ayaa helay ballanqaad ku aadan in dowladda Ghana ciidan u soo direyso Soomaaliya.

Mr. Jean Ping ayaa yiri  “xaaladda Soomaaliya waa mid sii murgeysa beryahan dambe” asagoo maalmahan booqanayey dalal  badan oo Afrikaan ah si uu ugu qanciyo inay ciidamo nabad ilaalineed u soo diraan Soomaaliya.

Nigeria iyo Burkina Faso ayaa horey u ballanqaaday inay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya, welise ma cadda  goorta ay ciidamadaasi soo gaari doonaan Soomaaliya.

Marka laga reebo  3,200 ee ciidamada Ugandha iyo Burundi ka jooga Soomaaliya ayuu Ururka midowga Afrika ku guuleysan waayey inuu soo dhammeystiro ciidamo tiradooda lagu sheegay 8,000 oo horey loogu ballamay  in loo soo diro Soomaaliya.


Add New Comment