Madaafiic xoog badan oo maanta laysku weydaarsaday Muqdisho

Madaafiic xoog badan oo maanta laysku weydaarsaday Muqdisho

Weeraro loo adeegsaday madaafiic ayaa maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia (Villa Somalia) ee Muqdisho, iyadoo sidoo kalana ay ciidamada dawladda madaafiic jawaab celin ahayd ay la beegsadeen Suuqa weyn ee Bakaaraha, kuwaasoo hakad geliyey hawlihii ganacsi ee suuqaas ka socday. 

Inta la ogyahay 10 qofood oo rayid ah ayaa ku geeriyooday ilaa 25 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray madaafiicdaas maanta galinkii dambe laysku weydaarsaday degmooyinka Wardhiigley, Howlwadaag ee Muqdisho.

Dadka rayidka ah ee ku dhaawacmay deuqeeyntaas ayaa intooda badan la geeyey cusbitaalka Dayniile, halkaasoo ay hadda daaweyntoodu ka socoto.

Dagaalkan ayaa yimid ka gadaal markii xoogagga Al-Shabaab ay weerar madaafiic iyo hoobiyeyaal isugu jira ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Villa Soomaaliya, waddada Maka Al-Mukaramah iyo isgoyska Sayidka, lama wada ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalkan ka dhacay meelo badan oo kala duwan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inuu guulo ka gaaray dagaaladii maanta dhacay, dhinaca ciidamada dowladdase wax war ah oo dagaalka ku saabsan kama soo bixin. 

Wararka qaar ayaa sheegaya in tiro kale oo dad rayid ahaa ay madaafiicdu ku dishay Bakaaro kuwo kalana ay dhaawacyo soo gaareen, iyodoo waxyeelada ugu badan ay soo gaartay dadka ku nool xaafadaha ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha iyo  Geed Jaceyl oo uu madfac kula habsaday qoys  dhan oo halkaas deganaa. 

Dagaalka ayaa ku soo beegmay ayadoo saacado yar ka hor markii uu dagaalku billowday uu xarunta madaxtooyada soo gaaray ra'iisal wasaare Nuur Cadde iyo wafdigii la socday oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho.


Add New Comment