Ciidamada Ethiopia oo dib ugu soo laabtay Balanbale

Untitled-2.jpg

 

Wararka ka imaanaya degmada Ballanale ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopianka ah ay fariisin ka sameysteen meel degamada duleedkeeda ah, kaddibna ay qaar ciidamadaasi ka mid ah si lama filaan ah loogu arkay ayagoo magaalada gudaheeda soo galay watayna laba gaari oo nooca ciidamada lagu daadgureeyo ah (Ural).

 

Ciidamadan maanta soo gaaray degmada Balanbale ayaa waxaa ay isku fidiyeen magaalada iyagoo aan wax kulamo ah la qaadan wax garadka iyo salaadiinta degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud,  taas  oo  ah  arrin  aan  looga  baran  oo  ka  fajicisay  dadka  degaanka.

 

Gobolka Galguduud ayaa maalmahan ah goob ay isku herdiyaan kooxo diimeed soo kala horjeeda oo loollan ugu jira in midkoodba uu midka kale kala wareego gacan ku heynta gobolka.

Add New Comment