Guddiga Isku-dubaridka Doorashada oo maanta lagu dhawaaqay

Siihaya xilka madaxweynenimo, ahna gudoomiyaha baarlamaanka DKMG Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta ku dhawaaqay tirada iyo magacyada Guddiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

 

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta shirguddoominayay shir ay mudanayaasha baarlamaanku maanta isugu yimaadeen xarunta barlamaanka ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu  hortooda ka aqriyey liiska Guddiga Isku-dubardidka doorashada Madaxweynaha.

 

Kaddib markii uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay magacyada xubnaha Guddiga ka kooban 15ka xubnood ayaa waxa mar qura cirka isku shareeyey buuq iyo qaylo kasoo yeertay dhinaca xildhibaannada, halka qaarna ay isagaba baxeen goobtii uu shirku ka dhacayey, halkaasoo guddoomiyuhuna uu markii dambe ugu baaqay xildhibaannada inay is dejiyaan.

Add New Comment