Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta oo kasoo horjeestay hadalkii Aadan Madoobe

Isbeheysiga Dib-u-Xoreynta ayaa maanta kasoo hor jeestay hadalkii uu Aadan madoobe ku shalay ku sheegay in 26ka bishan Janaayo la dooran doono madaxweyne cusub oo ay Soomaaliya yeelato.

Soleymaan Colaad Rooble oo ah guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Isbeheysiga Dib-u-Xoreynta garabka Jabuuti oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga soo hor jeestay war shalay ka soo yeeray gudoomiyaha baarlamaanka oo ku aaddanaa in 26ka bishan aan ku jirno ee Janaayo ay doorashada madaxweynaha ka dhici doonto xarunta barlamaanka ee magaalada Baydhabo, arrintaasoo mudane Rooble uu ku tilmaamay inay carqalad ku tahay heshiiskii kol hore lagu kala saxiixday magaalada Jabuuti.

 

Mudane Soleymaan Colaad ayaa sheegay in wax xayiraad ah oo ka yimid dhanka Isbahesigooda aanay jirin, hase ahaatee ay dhibaatada jirtaa tahay in marka hore la mideeyo xubnaha barlamaanka cusub oo ka kala imaanaya labada dhinac ee hesshiiska wada gaaray, kaddibna si wadajir ah loosoo doorto madaxweyne.

 

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha baarlamaankooda ee hada diyaarka ah aysan tageeyn magaalada Baydhabo, wuxuuna tilmaamay in guddoomiyaha baarlamaanka uu ku qaldanaa hadalkii uu ku sheegay inay Baydhabo tagaan xubnihii Isbehysigu iskasoo xulay.

 

Dhanka kale Maxameded Maxamuud Jimcaale (Cagaweyne) oo ka tirsan Guddiga Aminiga ee Isbehysiga Dib-u-xoreynta ahna madaxa Warfaafinta Maxkamadaha ayaa sheegay in uu dib u dhac ku yimid qorshe maanta ciidamada Ethiopia ay uga bixi lahaayeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho,kadib markii sida uu tilmaamay la carqaladeeyay xilli ay dhufeesyadii ka bexeen isla markaana ay alaabadoodii rarteen.

 



Add New Comment