Dowladda KMG oo sheegtay in la diyaariyey ciidamadii beddeli lahaa kuwa Ethiopia

Golaha wasiirada ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in la diyaariyey ciidamadii bedeli lahaa ciidamada Ethiopia kuwaasi oo ka kala iman doona dowladda KMG iyo Isbahaysiga Dib-u-Xoraynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Afhayeenka dowladda Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa sheegay, kaddib kulan ay maanta iskugu yimaadeen Golaha wasiirada dowladda KMG Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kasoo looga hadlayay arrimo ku saabsan ammaanka ayaa waxa lagu sheegay in la diyaariyey  ciidamadii buuxin lahaa meelaha ay banneeyaan ciidamada Ethiopia oo la filayo inay dhowaan ka bixi doonaan Soomaaliya.

 

Kulankan oo uu shirguddoominayey Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Sportiga ee dowladda KMG Soomaaliya mudane Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan ayaa lagu sheegay in ay diyaar yihiin ciidamada qaranka oo ay iskaashanayaan kuwa Isbahaysiga Dib-u- Xoraytna garabka Jabuuti ay  la wareegi doonaan gacan ku heynta goobaha ay ciidamada Ethiopia ka bixi doonaan. 

 

Mudane Axmed Cabdi Salaan ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed in ay qaataan nabadda, isagoona ku booriyay in ay taageero u fidiyaan  labada ciidan ee badalaya ciidamada dowladda Ethiopia.

 

Dadka ku barakacay dagaalladii Muqdisho ayaa ayagu sugaya bal inay mar uun arkaan Ethiopianka oo isaga baxay dalka, si markaasi ay ugu laabtaan guryahoodi ay markii hore kasoo barakaceen.


Add New Comment