Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ku baaqay in dagaallada la joojiyo

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maanta soo saaray baaq ku aaddan joojinta colaadaha ka holcaya gobollada Galguduud iyo Sh/Dhexe.
 
Afhayeenka Golahaas nabaddoon Xaaji Axmad Diiriye Cali oo maanta la hadlayay saxaafada ayaa waxa  uu baaq nabadeed u diray kooxaha Al-Shabaab iyo Maxkamadaha ee ku dagaalamaya qaybo ka mid ah gobollada Galguduud iyo Sh/Dhexe.
 

Nabadoonka ayaa intaa ku daray in ay codsanayaan in si deg deg ah loo joojiyo colaadda kasoo dhex cusboonaatay labada urur diineed ee ugu tunka weyn kooxaha Islaamiyiinta iyo kooxda la baxday Ahlu-Sunnah ee ayadu dhowaan ku soo biirtay garabyada hubeysan ee Islaamiyiinta.
 
 

Waxa kale oo warsaxaafadeedkaas lagu xusay digniin ku socota DKMG oo kaashaneysa Ethiopianka aanay isku dayin inay dalka u soo dhoodhoobaan doorasho lagu soo doorto madaxweyne ku-sheeg kale oo aan dadku raalli ka wada ahayn.

 

Baaqa Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa kusoo beegmay ay jiraan dagaallo u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta dhexdooda, inkastoo ay si xowli ah u socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dhinacyada dagaallamaya.



Add New Comment