4 askari oo Ethiopian ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Muqdisho

Ciidamada Muqaawamada oo saakay weeraray gaari teknikio ah oo ay wateen ciidamo Ethiopian ah oo marayey agagaarka warshadda Baastada, waxaana sida lasoo sheegay ku baqtiyey ugu yaraan 4-askari oo Ethiopian ah.


Gaariga ayaa sida la sheegay lala helay basuukayaal asaga oo kasoo kicitimay xaafadda Carafaat kuna sii jeeday warshadda Baastada.


Gaarigan oo ahaa nooca Toyota Landcruiser (Cabdi Bile) ayaa gebi ahaantiisba gubtay, waxaanaa isla goobtii ka billowday rasaas socotay muddo daqiiqada ah oo ay is weydaarsanayeen xoogagga muqaawamada iyo ciidamada ethiopian ah oo goobta gaariga lagu gubay ka ag dhowaa, waxaana weerarkan ka horreeyey weerar madaafiic ah oo lagu qaaday warshadda baastada oo saldhig u ah ciidamada Ethiopia. 

 

Weli lama oga qasaaraha ka dhashay rasaastii ay is dhaafsanayee ciidamada muqaawamada iyo kuwa Ethiopianka iyo weeraradii madaafiicda ee lagu qaaday warshadda baastada, ayadoona beryahan dambe ay sii badanayaan weerarrada lagu qaado ciidamada Ethiopianka ah, kaddib markii uu dhammaaday waqtigii lagu ballamay inay isaga baxaan dalka Soomaaliya.


Add New Comment