Dagaal sababay dhimasho iyo dhawac aad u farabadan oo maanta ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaal sababay dhimasho iyo dhawac aad u farabadan ayaa maanta ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

Dagaalkani oo ah kii ugu qasaaraha badnaa dagaladii ka dhacayay gobolada bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa inta la ogyahay ku geeriyooday ku dhawaad 30-ruux halka tiro ka badan 50-qofna ay ku dhaawacmeen,waxana dadka ay dhawacyada ka soo gaareen dagaaladaasi maanta la  gaarsiiyay Cusbutaalka Istarliin ee degmada Guriceel.

 

Saraakiisha Caafimaadka Cusbitaalka degmada Guriceel ayaa waxaa ay shegeen in dhaawacyo tiro badan oo aan weligood horay u soo marin maanta kaliya la soo gaarsiiyay kuwaasi oo qaba dhawacyo kala duwan isla markana ku soo dhaawacmay dagaaladii ugu danbeeyay ee maanta ka dhacay magaalada Guriceel.

 

Dagaalkani oo bilowday abaari 4-tii Aroornimo ee saakay ayaa waxaa guulo ka sheegtay dhaq dhaqaaq Ahlu suna waljameeca kuwaasi oo sheegay in ay talabo ka qadeen xarakada Al shabaab sida ay warka u dhigeen wax war ahna kama soo bixin ururka Al shabaab oo ku aadan dagaaladii saakay qasaaraha geystay ee ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

C/risaaq Max’ed Cali (Al Ascari) oo ah afhayeen u hadlay Ahlusuna Wal Jameeca oo la soo xiriiray warqabadka shabelle ee gobolada dhexe ayaa ka warbixiyay  markii ugu horeeysay dagaaladii saakay ka dhacay degmada Guriceel,waxana uu sheegay in dagaalkaasi ay guulo ka soo hooyeen isla markana dhankooda ay kaga geeriyoodeen illaa 3-askari ayna ka dhaawacmeen 2-kale sida uu hadalka u dhigay.

 

Xaalada guud ee degmada Guriceel ayaa waxaa ay tahay mid degan waxana dib u soo laabtay Adeegii isgaarsiinta oo ku xirmay saakay markii ay dagaalada ka socdeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

Dagaalkani ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ka dhaca gobolka Galgaduud tan iyo markii ururka al shabaab iyo Ahlusuna Waljameeca uu dhex maro dagaal sidan oo kale ah Waloow Al shabaab ay dhowr mar horay u sheegeen in dagaalkaasi uusan kala dhexeeyn Ahlusuna Waljameeca isla markana qaar ka mid ah Ahlusun waljameecaha ay sidoo kale beeniyeen in dagaal uu dhex maray iyaga iyo Al shabaab.

Add New Comment