Cabsi laga qabo in dagaallo hor leh ay ka qarxaan Balcad

shababB.jpg

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in la dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada Midowga Maxkamadaha ee gacanta ku haaya magaaladaas, iyadoo dhaqdhaqaaqyadana ay ku wajahan yihiin xiisadda colaadeed ee ka aloosan degmada Balcad ee isla gobolkaas.

Ciidamada Maxkamadaha ayaa ku jira diyaar garow dagaal sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo laga helay Jowhar, wuxuuna  dhaqdhaqaaqa ciidan ee ugu weyn ka socda meel duleedka magaalada ah,

Ciidamo fara badan ayaa gurmad ahaan u soo gaaraya Jowhar kuwaasoo sida la sheegayo ka kala imaanaya  dhammaan degaannada gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana suurtagal ah in dagaalladii shalay ka dhacay Balcad ay dib u billowdaan saameynna ku yeeshaan degaanno hor leh oo gobolka ah.

Sidoo kale Ururka Al-Shabaab ayaa iyana wada diyaar garow la mid ah kuwa ay wadaan Midowga Maxkamadaha Islaamka, waxaana soo gaaraya Gurmadyo ciidan iyo gaadiidka dagaalka, kuwaasoo xalay ilaa saaka ka imaanayay Gobolka Shabellaha Hoose iyo dhanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Xaalada Degmada Balcad ayaa ah mid degan, walow dhinacyada Islaamiyiinta ay wali ku kala sugan yihiin daafaha Degmada Balcad oo ay difaac kaga jiraan, waxaana mar walba la filan karaa inuu qarxo dagaal dhex mara labada dhinac.

Dadka reer Balcad ayaa si xooggan uga barakacaya guryahooda, kaddib markii ay sii korortay cabsida laga qabo in labada dhinac ay mar kale isku fara saaraan gudaha iyo daafaha magaalada.



Add New Comment