Isbaheysiga iyo DKMG oo si wadajir ah usoo dooranaya madaxweyne

Warsaxaafadeed uu soo saaray Midowga Africa (AU) ayaa lagu sheegay in dhammaadka bishaan ay Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib-u-xoreynta garabka Jabuuti ay si wadajir ah u soo dooran doonaan madaxweyne cusub oo ay Soomaaliya yeelato.


War saxaafadeedkan ayaa soo baxay kaddib markii uu soo dhammaaday kulan ay wakiilo ka kala socday DKMG, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ku yeesheen magaalada Addis Abeba, halkaasoo lagu go'aamiyey in 26 janaayo la qabto doorashada madaxweyne ay Soomaaliya yeelato, kaasoo ay doorashadiisu si wadajir ah uga qayb qaadan doonaan DKMG iyo Isbaheysiga Dib-u-xorenta garabka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

 

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha ay ka dhici doonto magaalada Jabuuti, waxaase weli shaki ka taagan yahay sida loo mideyn karo barlamaan ay labada dhinac ku dhan yihiin inta doorashada ka horreysa.

   

War saxafadeeka ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahanyahay in la labajibbaaro dadaallada beesha caalamka ee lagu taagerayo ciidamada nabad ilaalinta ee la keenayo gudaha dalka Soomaaliya.

Midowga Africa ayaa sidoo kale sheegay in ay u baahanyihiin in wax badan laga qabto ammaanka magaalada Muqdisho islamarkaana ciidamada midowga Africa ay helaan taageero fara badan.

 

 

Add New Comment