Sheekh Aadan Madoobe oo ugu baaqay xildhibaannada Gaalkacyo ku sugan inay deg deg ku yimaadaadaa Baydhabo

Sii haayaha xilka madaxweynaha ahna Gudoomiyaha barlamanka KMG Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ugu baaqay xildhibaanada barlamanka ee ku sugan Gaalkacyo in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan kullamada  barlamanka ee magaalada Baydhabo.

 

Sheikh Madoobe oo shalay shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Baydhabo kaddib markii uu kasoo laabtay safaro uu kusoo kala bixiyey dalalka Kenya iyo Ethiopia ayaa waxa uu mudanaayasha baarlamanka ee ku sugan Gaalkacyo ugu baaqay in ay ku soo laabtaan madasha kalfadhiyada baarlamaanka.

 

Sheikh Aadan ayaa sheegay inuu xildhibanndaasi intii aanay ka tegin Baydhabo uu ku wargeliyey inaysan amar la'aan iska tegin ayaga oo aan soo wargelin guddoonka barlamaanka, waxayna iska tageen ayaga oo ka dhego adeygay baaqaas.


Xildhibaannada ayaa ayaga dhankooda waxay sheegeen inay  magaalada Baydhabo uga soo tageen caddaalad daro iyo ammaankooda oo ay u baqdeen, waxayna soo noqoshadooda shuruud uga dhigeen in marka hore wax laga qabto waxyaabihii ay ka cawdeen.


Baaqa Sheekh Aadan ayaa ku soo aadaya xilli barlamaanka looga fadhiyo inuu wax ka yar 20 maalmood ku soo doorto madaxweyne cusub oo uu dalku yeesho.



Add New Comment