Qarax ka dhacay maqaayad lagu fiidsado

Bam gacmeed ayaa lagu weeraray maqaayad lagu fiidsado oo ku taal degaanka Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, kaddib markii sida la sheegay bam lagu soo tuuray uu ku qarxay gudaha maqaayaddaas.


Weerarkan ayaa yimid kaddib markii dhowr jeer oo hore digniin lagu siiyey dadka maqaayaddaas ku fiidsan jiray inay ka waantoobaan isticmaalka waxyaabo maanka dooriya oo sida la sheegay maqaayaddaasi gudaheeda aad loogu iscticmaali jiray.

 
Khasaaraha ka dhashay bamkaasi ayaa waxa lagu sheegay dhimashada 1 qof iyo dhaawaca 11 qof, lama oga nooca maandooriyaha ah ee ay dadkaasi sababsadeen waxa uu yahay, sidoo klale ayaan la ogeyn ciddii weerarkan ka dambeysay ee horeyna digniinta u dhiibtay.


Qaraxyada noocan oo kale ayaa ah kuwo marar badan ka dhaca meelo ay dadku ku fiidsadaan gudaha magaalada Muqdisho.


 


Add New Comment