Guddoomiyaha G. Banaadir oo sheegay in ciidama laga saari doono magaalada Muqdisho

dhagax copy.jpgMaamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ciidamada dowlada looga saarayo gudaha magaalada laguna geynayo xeryo u gaar ah.
 
Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamad Cismaan Cali Dhagaxtuur oo maanta la hadlayey saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe  ay ku xareeynayaan ciidamada  DKMG ee Soomaaliya.

 

Waxa hadalka Gudoomiyaha ka mid ahaa in uu yiri inuu rajeynayo in dhowaan la dareemi doono isbeddel deg deg ah oo ku yimaada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo hareeraheeda, laakin guddoomiyuhu ma faahfaahin waxa uu isbeddalkaasi noqon doono ayadoo dadka u kuurgala siyaasadda ay ku fasireen inuu ula jeeday isbedel dhinaca ammaanka ah iyo soo celinta kalsoonida ay dadka reer Banaadir ku qabi karaan maamulka cusub ee guddoomiye Dhagaxtuur.


Mudane Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur wuxuu dadka reer Muqdisho ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda, gacanna ku siiyaan maamulka hawlaha lagu sugayo ammaanka.

  

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Banaadir   waxa uu canbaareeyay   falkii lugu dilay  sarkaalkii ka tirsanaa hay’adda W.F.P asagoo markaas ku sugnaa degmada Dayniile  ee gobalka Banaadir oo ay ka socotay hawl cunto qaybin ah.

Add New Comment