Dagaalkii Balcad oo dib u soo cusboonaaday

Dagaalkii Balcad ayaa dib usoo cusboonaaday, kaddib markii xoogagga Al-Shabaab ee saakay barqanimadii laga saaray degmada Balcad ay soo qaadeen weerar rogaal celis ah.

Al-Shabaab oo sida la sheegay gurmad ka helay dhanka Muqdisho ayaa soo qaaday weerar,  saacado yar uun kaddib markii saakay lagala wareegay degmada Balcad, waxaana dagaalkan rogaal celiska ah laysu adeegsaday
hubka noocyadiisa kala duwan.

Barqanimadii maanta ayey ahayd markii xoogagga Maxkamadaha la sheegay inay si buuxda ula wareegeen degmada Balcad, haddase weli ma cadda cidda gacanta ku heysa magaalada, laakiin warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay dib ula wareegeen, ayna hadda ciidamadoodu ku sugan yihiin gudaha magaalada.

War rasmi ah lagama haayo khasaaraha ka dhashay dagaalladaas maanta ka dhacay degmada Balcad, afhayeenka Al-Shabaab oo idaacadaha maxaliga ah la hadlayna sooma hadal qaadin dagaalka Balcad.


 

Add New Comment