Sheekh Aadan Madoobe oo Baydhabo ku soo laabtay

Sii hayaha xilka madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdii uu hoggaaminayo ay maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa safar shaqo ugu maqnaa dalalka Soomaaliya deriska la ah ee Kenya iyo Ethiopia, halkaasoo uu wada hadallo kula soo yeeshey madaxda dalalkaasi.

Sheekh Aadan ayaa markii uu ku soo noqday magaalada Baydhabo qabtay shir jaraa'id, faahfaahinna kagaga bixiyey safarradii uu kusoo kala bixiyey dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Sii hayaha madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlaayey waqtiga ay doorashada madaxweynaha dhici doonto sheegay, in waqtigii loogu tala galay aanay dib uga dhici doonin, barlamaankuna uu gudageli doono soo diyaarinta hawlaha doorashada madaxweynaha.

Ma cadda sida ay doorashadaasi u suurtageli doonto, ayadoo dhowaan uu Sheekh Shariif Sh. Axmed oo  hoggaamiya Isbahaysiga Dib-u-xoreynta garabka Jabuuti ee dhowaantaan heshiiska la galay DKMG  uu sheegay inay habboon tahay  inaan  lagu  deg  degin  doorashada  madaxweynaha  ayadoon  la  mideyn  barlamaanka.


Add New Comment