Maxkamadaha oo dagaal kaga saaray degmada Balcad xoogagga Al-Shabaab

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in degmadaasi ay gacan ku haynteeda la wareegeen xoogagga Maxkamadah, kaddib markii uu dagaal aad u qaraar ku dhexmaray ayaga iyo Ururuka Al-Shabaab.
 
Dagaalkan oo laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay gudaha iyo daafaha magaalada, welina lama oga khasaaraha uu geystay, wuxuuse saameyn ku yeeshay isu socodkii gadiidka iyo dadweynaha iyo sidoo kale ganacsigii magaalada.

Warar hadda nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in magaaladu deggan tahay ayna gacanta u gashay xoogagga Maxakamadaha Islaamku oo ayagu gebi ahaanba la wareegay gacan ku haynta degmada Balcad, kaddib markii ay u tabar sheegteen xoogaggii Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ururka Al-Shabaab.



 

Add New Comment