Qaramada Midoobay oo guddi farsamo u soo direysa Geeska Afrika

Ayadoo ay isa soo tarayaan dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo xoojiyo ciidamada nabad ilaalinta ee Midowgaga Afrika (AMISOM), ayey Qaramada Midoobay (UN) sheegtay in toddobaadka dambe u soo diri doonto guddi farsamo dalalka Kenya iyo Ethiopia ee Soomaaliya deriska la ah, si ay ugala xaajoodaan xasiloonidarrada weli kasii socota Soomaaliya.

 

Guddigan farsamo ee iman doona Nairobi iyo Addis Abeba ayaa waxa ka mid ah ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Charles Petrie, wakiillo kale oo ka socda xafiiska siyaasadda Qaramadamidoobay  (UNPOS), Xafiiska Hawlaha Nabadilaalinta, taakuleynta iyo siyaasadda, ayadoona ujeeddadada socdaalkooda lagu sheegay wadatashi ay kala yeelan doonaan labada waddan sida loo meel marin karo in ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya taageero caalami loogu fidiyo.

 

Soomaaliya oo aan intii ka dambeysay sanadkii 1991-kii yeelan dowlad dhexe oo awood leh ayaa waxa weli ka sii socda  degganaasho  la'aan  iyo  dagaalo  u dhexeeya  kooxo soo  kala  horjeeda.


Dhowaan  ayey markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon uu sheegay inaysan suurtagal ahayn in Soomaaliya hadda loo diro ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, xaaladda ka jirta awgeed, wuxuuse xiriir la sameeyey madaxda dalalka gobolka si loo dedejiyo in ciidamada AMISOM loogu fidiyo taakuleynta ay u baahan yihiin.


Soomaaliya oo aan yeelan dowlad dhexe oo awood leh, kaddib dagaalladii lagu riday dawladdii madaxweyne Maxamed Siyaad sanadkii 1991-dii ayaa weli waxa ka soconaya deganaansho la'aan iyo dagaalo u dhexeeya kooxo soo kala horjeeda. 



Add New Comment