Dadaal lagu soo dhammeystirayo ciidamada AU-da oo socda

Waxa socda dadaallo la doonayo in lagu soo dhammeystiro ciidamada naba-ilaanta ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.pingB.jpg


Guddoomiyaha Midowga Afrika Mr. Jean Ping ayaa sheegay in beesha caalamku hadda u soo jeesatay wax ka qabashada dhibaatada daba dheeraatay ee haysata Soomaaliya, dalal fara badan oo Afrikaan ahna ku yabooheen inay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya, wuxuu kaloo sheegay in dhowaan kulamo deg deg ah oo ka kala dhici doona magaalooyinka Qaahira iyo Addis Abeba loogaga hadli doono xaalka Soomaaliya.


Midowga Africa ayaa waxaa uu  wadaa dadaalo lagu soo dhamaystirayo ciidamada nabad ilaalinta ee loo soo dirayo dalka Soomaaliya.

 

Dalal dhowr ah oo Afrikaan ah ayaa sheegay inay tixgelin siin doonaan codsiga uga yimid Midowga Afrika, Soomaaliyana u soo diri doonaan ciidamo nabad-ilaalineed, waxaana dalalkaas kuwii u dambeeyey ee soo hadal qaada arrimaha Soomaaliya ka mid ahaa dalalka Ghana iyo Burkiina Faaso.


Madaxweynayaasha Ghana iyo Burkina Faaso ayaa waxaa ay ballanqaadeen inay si degdeg ah go'aan uga qaadan doonaan codsiga Midowga Afrika ee ku aaddan ciidamo loo soo diro Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Dowladda Algeria ayaa iyadana sheegtay inay ciidamada Midowga Afrika ka taageerayaan sahayda iyo tas-hiilaadka si loo dedejiyo imaatinka ciidamadaas ee Soomaaliya.

 

Midowga Afrika ayaa hadda waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo ka kala socda Ugandha iyo Burundi, ayadoo dhowaanna la filaayo inay magaalada Muqdisho soo gaaraan kuwo ka socda waddanka Nigeria.




Add New Comment