Aadan Madoobe oo baaq u jeediyey barlamaanka

Sii hayaha Xilka Madaxweynenimo ee DFKM ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh Aden Maxamed Nuur ayaa sheegay maanta in la saari doono guddi soo diyaariya doorashada la fsheikh aden madoobe.jpgilayo in lagu doorto madaxweyne cusub oo ay Soomaaliya yeelato.

Sh Aadan Madoobe oo la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka DF oo shir ku yeeshay Xarunta ADC-da kuwaas oo aan la shaacin tiradooda ayaa sheegay in si dhaqsi ah loo magacaabayo guddiga soo diyaariya doorashada madaxweynaha

Aden Madoobe ayaa waxaa kale oo uu baaq u jeediyey xildhibaanada DFKM isaga oo ka codsaday in ay muddo 7 maalmood gudahood ah ay Baydhabo soo gaaraan ama ay soo gudbiyaan istiqaaladooda waxaa kale oo ka codsaday QM in ciidamo lala soo gaaro Soomaaliya.


Qaar ka mid ah Xildhibaanada DFKM oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa ku tilmaamay Aden Madoobe mid garab maray Dustuurka sidaa darteedna aysan tageynin Baydhabo wixii ka soo baxana aysan qusayn

Add New Comment