Ciidamada Badda Shiinaha oo daneynaya Saldhig badeed oo ay ku yeeshaan Khaliijka Cadan


ChineseNavyBB.jpgSarkaal sare oo ku warramayey magaca Ciidamada Badda ee Dalka Shiinaha ayaa soo jeediyey in loo baahan yahay in Ciidamada Badda dalka Shiinuhu ay gobolka Khliijka Cadmeed ka sameystaan Saldhig badeed oo ay kala dagaallamaan burcad-badeeda Soomaalida ee dhibaatada ku haysa maraakiibta ganacsi ee adduunka.

Rabitaanka Ciidamada Badda Shiinaha ayaa yimid kaddib markii dhowaan ay burcad-badeedda Soomaalida sii daayeen markab ganacsi oo laga lahaa dalka Shiinaha, kaddib markii laga bixiyey lacag malaayiin dollar ah oo ay madaxfurasho u qaateen.

Burcad-badeedda Soomaalida ayaa qatar ku ah maraakiibta iyo badmaaxiinta shiinaha ee isaga kala goosha qaaradaha adduunka, kuwaasoo adeegsada marinka halbowlaha u ah gaadiidka ganacsi ee badaha adduunka, marinkaasoo ah Khaliijka (Gacanka) Cadmeed.

Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka adduunka ee maraakiibta dagaal u soo diray biyaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaallamaan burcad-badeedda Soomaalida ee dhibaatada ku haysa gadiidka badaha addunnka ee mara Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.


Add New Comment