Kulan is-cafin ah oo Muqdisho ku dhexmaray Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladdii TFG-da iyo Maxkamadaha Islaamka

Kulan is-cafin ah oo Muqdisho ku dhexmaray Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladdii
TFG-da iyo Maxkamadaha Islaamka


shariifB.jpg

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA:

“Ku soo dhawaada Nabad, Cid kasta oo  wax tabaneysana waxaan diyaar ula nahay wada hadal”

Isniin, February 09, 2009(HOL): Xarunta Gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay kulan ujeedkiisu ahaa in ay isku cafiyaan dhinacyadii Muqdisho ku dagaallamay, gaar ahaan saraakiisha iyo ciidamada horay uga kala tirsanaa Dowladdii TFGda iyo Maxkamadaha Islaamka.

Kulankaas waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya Axmed C/salaan Xaaji Aadan, Taliyayaha Ciidamada Mileteriga Dowladdii TFG-da Jen. Saciid Dheere, Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladdii TFG-da Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Madaxa Maamulka Gudaha ee Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/qaadir Cali Cumar, Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow iyo dad kale oo aad u faro badan.

Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo u hadlay Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in la iska cafiyo dhibaatadii kala gaartay dadka Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii la qaatay Kitaabka Alle aysan jirin wax ay dadka ku kala maqnaan karaan oo cadaawad sii kala dhexgelinaya.

Shiikh C/qaadir Cali Cumar waxaa uu sheegay in ay wax wanaagsan tahay in laga wada shaqeeyo sidii ammaanka loo sugi lahaa, isla markaana loo soo celin lahaa sharcigii iyo kala dambeyntii, wuxuuna ugu baaqay dadka ka maqan dadaallada xalka loogu raadinayo dalka Soomaaliya in ay ku soo biiraan.

Jen. Saciid Dheere oo isna u hadlay Ciidamada Mileteriga Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in haddii ay dadka Soomaaliyeed oo muslimiin ah ay iska cafiyaan wixii dhexdooda yaalay  uu Alle meel kasta ka irzaaqi doono, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in la taageero dowladda midnimada qaran ee Soomaaliya loo soo dhisay.

Jen. Siciid Dheere waxaa uu sheegay in qaran-jabkii Soomaaliya ku dhacay kadib dhowr jeer la isku dayay in la soo celiyo dowladnimadii Soomaaliya, hayeeshee taas lagu guuleysan waayay, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya oo Afrika ugu horeyn jirtay ay haatan dalalka Afrika ka faanaan, qaxootiga Soomaaliyeedna  uu meel kasta daadsan yahay, taasina ay sharaf dhac u tahay dadka Soomaaliyeed.

Intaas kadib waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed. Madaxweynaha ayaa markii uu hadayay waxaa dhinacyadiisa taagnaa Shiikh C/qaadir Cali Cumar iyo Taliyayaasha Booliska iyo Mileteriga Jen. Cabdi Qeybdiid iyo Jen. Saciid Dheere.

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaa uu sheegay in maanta waxa ay Dadka Soomaaliyeed u baahan  yihiin ay yihiin Nabad, Dowladnimo, Midnimo, Cadaalad iyo in Shareecada Islaamka oo lagu xukumo dalka. Madaxweynaha waxaa uu intaas ku daray in dadka ka soo horjeeda Dowladdiisa uu ugu baaqayo in ay banaanka soo dhigaan waxyaabaha ay tabanayaan.

“Ciddii wax tabaneysa waxaa diyaar ula nahay in aan la hadalno, waxaana leenahay ku soo dhawaada nabad…. ku soo dhawaada nabad…ku soo dhawaada nabad”ayuu yiri Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo seddex jeer ugu celiyay in ay nabad ku soo dhawaadaan dadka ka soo horjeeda dowladdiisa.

Sidoo kalena, Madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday sida loogu baahan yahay in nabaddii la soo celiyo, wuxuuna farta ku fiiqay in taasi lagu gaari karo in si deg deg ah loo sameeyo Ciidamo anshax leh oo aan dadka dileynin, hantidoodana dhaceynin. Sidoo kalena waxaa uu ka hadlay madaxweynaha arrimaha bani’aadannimada wuxuuna sheegay in dowladdiisa ay dadaal ugu jirto sidii guryahooda loogu soo celin lahaa dad badan oo ka barakacay magaalada Muqdisho intii ay socdeen dagaalladii u dhaxeeyay Ciidamadii Itoobiya iyo Xoogaggii ka soo horjeeday.

Ugu dambeyntiina, Kulankan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho uu kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu kala hadlayay sidii loo sugi lahaa ammaanka dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Add New Comment