Madaxweynaha oo kulamo ammaanka looga hadlayay la qaatay gudiga dhex dhexaadinta culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.


isbaheysiga-garabka-djobouti[1].jpgMadaxweynaha ayaa kulamo ammaanka looga hadlayay maanta la qaatay gudiga dhex dhexaadinta culumaa’udiinka iyo odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye.

Kulankani uu madaxweyne shariif la qaatay gudiga musaalixada iyo odayaasha ayaa waxaan uu ahaa mid looga wada hadlayay sidii magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya nabadiisa looga shaqeeyn lahaa iyo sidoo kale wadatashiyo ku aadan magacaabista Ra’iisul wasaare ay yeelato dowladiisa oo laga sugayo in uu soo magacaabo madaxweynaha.

 

Kulankani ayaa  waxaa uu qeyb ka yahay balan qaad uu madaxaweynaha sheegay marka uu soo gaarayay magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay in uu kulamo la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Gudigani u istaagay musaalixada xoogaga muqaawamada ayaa waxaa hor kacdayay gudoomiyahooda sheikh Bashiir Max’ed Salaad iyo weliba afhayeenka gudigaasi sheikh Nuur Baaruud Gurxan,halka odayaasha dhaqanka ay hor kacayeen afhayeenka golahaasi Axmed Diiriye Cali iyo afhayeenka dhanka siyaasada Cabdullaahi Dheere,waxana uu ku soo dhamaday jawi wanaagsan iyadoo la isla afgatyay dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay.

Add New Comment