Dagaal ka socda Muqdisho


dagaal.jpgWeeraro kala gooni gooni ah ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayaa saakay lagu qaaday ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Bururndi ee  fariisinka ku leh Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda KMG.

Meelaha ay dagaaladu ka dhaceen ayaa waxa ka mid ah degmada Hodan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda KMG, welina waxa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo ka dhaceysa qoryaha fudufudud.

Ilaa iyo hadda lama ogaan karo qasaaraha ka dhashay dagaalladan weli sii socda ee saakay ka qarxay magaalada Muqdisho, wixii warar ah ee kusoo kordhana waan idin soo gaarsiin doonnaa, insha'Allaah.

Dagaalkan ayaa yimid waqti uu maalintii labaad Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed ku sugan yahay magaalada Muqdisho, shalay galabnimadiina weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday xarunta Madaxtooyada oo uu deggan yahay.

Add New Comment